Baay-RisaalaFM- Ciidanka Xoogga Dalka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Booliska Gaarka ah ee Maamlka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay howlgallo ka wadaan Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo xalay Ciidanka Koonfur Galbeed ay dhaqaaqyo Ciidan ka sameeyeen Magaalada Beydhabo.
Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in howlgalladan ay yihiin kuwo ururka Al-shabaab looga saarayo Deegaanada iyo tuulooyinka ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed.
Wasiirka Hub ka Dhigista iyo Dhaqan celinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed Xasan (Eelaay) ayaa sheegay in Amaanka Koonfur Galbeed ay iska kaashanayaan Ciidanka Dowladda iyo kuwa Boliiska Gaarka ah ee Koonfur Galbeed.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka dalbaday shacabka ku dhaqan Deegaanada Koonfur Galbeed in ay la shaqeeyaan Ciidamada Amaanka si looga hortago falalka lidiga ku ah amaan darada.