Baay-RisaalaFM- Maamulka degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay ayaa waxa ay sheegeen in dhowaan deegaanada hoosyimaada degmada Qansax-dheere ay ka bilaabi doonaan howlgalllo ka dhan ah Shabaab.
Howlgaladan ayaa waxaa iska kaashan doona ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa Booliska maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay Cabdule Xasan Saney ayaa waxa uu sheegay in ujeedka howlgalkan uu yahay sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin degmada Qansax-dheere.
Tuulo Qiyaastii 15 KM ujirta degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay ayaa waxaa lagu Gowracay mid ka mid ah Odayaasha dhaqanka, sida ay sheegeen maamulka degmadaasi.