Goofguduud-RisaalaFM- Gudoomiyaha deegaanka Goofguduud Xasan Isaaq ayaa waxa uu ka warbixiyay amaanka deegaankaasi, waxaana uu sheegay in maalmahan ay wadeen howlgallo lagu xaqiijinyo amniga.
Waxaana uu sheegay in howlgalladaasi ay ku guuleysteen ciidamada dowladda Soomaaiyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM oo garab ka helaya shacabka degan deegaankaasi.
Dhanka kale Gudoomiyaha Goofguduud Xasan Isaaq ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Koonfur Galbeed ay deegaankaasi ka hirgelisay goobo caafimaad oo wax loogu qabanayo shacabka halkaasi degan.
Maalmihii udambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMSOM ayaa deegaanada Koonfur Galbeed waxa ay ka wadeen howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab.