Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa saaka howlgallo waxa ay ka wadaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose sida ay Idaacadda Risaala u sheegeen Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa baadigoobaya dagaalyahanada Al-Shabaab ee lagu tuhmayo in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Xaafadaha degmada Afgooye.
Saraakiisha dowladda ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in howlgalkaan uu yahay mid lagu xaqiijinaayo Amniga degmada Afgooye iyo sidoo kale degaanada hoos yimaada.
Kaptan Mayow oo ka mid ah Saraakiisha howlgalka hogaaminaysa ayaa Risaala u sheegay in howlgalka ay sii wadi doonaan tan iyo inta Al-Shabaab laga saarayo Shabeellaha Hoose.
Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in la adkeyn doono Ammaanka degmada Afgooye , madaam Al-Shabaab ay dhowr jeer ay kusoo qaadeen weeraro geystay khasaare kala geddisan.