Jowhar-RisaalaFM- Muuse Cusmaan waxa uu ka mid yahay waxgaradka Gobolka Shabeelaha Dhexe, isagoo ka qeylo dhaamiyay Abaarta daran ee ka jirta Degaanada Hirshabeelle.
Waxa uu sheegay dadka in ay waayeen biyo iyo baad, islamarkaana dadka qaar ay ka dhamaadeen xoolihii ay lahaayeen iyo dadka qaar oo waayay biyo Beerahooda ku waraabsadaan, maadaama uu guray wabiga Shabeelle.
Maamulka Hirshabeelle ayuu ku sheegay Muuse Cusmaan in aanay wax gurmad ah ka sameyn Abaaraha ka jira Degaanada Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Warbixinta Warkan waxaa Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe inooga soo diray Wariyaha Risaala ee Degaanada Hirshabeelle C/raxmaan Cali Direy.