Muqdisho-RisaalaFM- Hey’ada Culimada Soomaaliyeed ayaa ka soo horjeesatay sharci dhowaan ay soo saartay Wasaarada Haweenka xukuumada Soomaaliya kaasi oo ku saleysnaa sharciga Haweenka, iyadoo dhowaan ay meel mariyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.
Hey’ada Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegtay in sharcigaas qodobada qaar ee ku jira ay ka soo horjeedaan Diinta Islaamka.
Mas’uuliyiinta Hey’ada Culimada Soomaaliyeed oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa bayaan ka soo saaray qodobadaasi waxaana bayaankaasi warbaahinta u aqriyay Sheekh Muuse Axmed Ciise.
Dhinaca kale Hey’ada Culimada Soomaaliyeed ayaa ka digtay in Taliska ciidanka AMISOM aysan fara galin ku sameyn Arimaha Bulshada iyo Haweenka intaba.