DHAGEYSO: Hay’adda Culimada oo baaq dirtay

DHAGEYSO: Hay’adda Culimada oo baaq dirtay

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa’id ku qabatay Magaalada Muqdisho ayaa fariin u dirtay xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka inay dushooda saaran tahay masuuliyad adag, sidaasi darteedna loo baahan yahay in ay ka fakaraan, sidii ay u soo dooran lahaayeen Hoggaamiye dhab ah oo dalka, diinta iyo dadkaba wax u qabta.

Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa Xildhibaanada cusub ka codsaday in ay ummada Soomaaliyeed u dooraan hoggaan cusub oo dalka wax ka badali kara afarta sano ee soo socota.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in xildhibaanada looga baahan yahay in ay ka dhabeeyaan dhaartii ay mareen, ayna xasuusnaadaan masuuliyada loo dhiibtay.

Hadalka Hay’adda Culimada ayaa imaanaya iyadoo maalinta beri ah la filayo in xildhibaanada ay soo doortaan hoggaanka Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku tartamayaan Afar musharax iyo ku xigeenadiisa.