Muqdisho-RisaalaFM- Ciidamo la sheegay in ay yihiin kuwa ammaanka Dowladda Federaalka ee sida gaarka ah u tababaran ayaa xalay weerar waxa ay ku qaadeen guriga magaalada Muqdisho uu ka degan yahay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, Wasiir hore iyo waliba Musharaxii Madaxweynanimo Doorashadii 2016 ee lagu soo doortay Madaxweyne Farmaajo.
Hoyga la weeraray oo ku yaala Degmada Wadajir, gaar ahaan agagaarka Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxaa weerarayToboneeyo ka mid ah Ciidanka NISA, oo si aad ahi loo soo qalabeeyay.
Ilaalada hoyga C/raxmaan C/shakuur, ayaa iska caabin xoogan kala hortagey ciidankii soo weeraray, iyadoo labada dhinac uu halkaasi ku dhex maray dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la’isku adeegsaday.
Xildhibaan C/fataax Geesey oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay VOA-da, kuna sugnaa guriga C/raxmaan C/shakuur xilligii uu weerarka dhacayay ayaa sheegay weerarkii xalay rasaastiisa in ay socotay mudo 40 daqiiqo ah.
Wuxuu sheegay rasaasta markii ay soo bilaabatay in ay darbiyada u dhawaadeen, kahor inta aysan darbiga gaarina C/raxmaan ay ku dhacday xabad, qeybta suxulka, waxaana isla markiiba laga xiray qeybtii uu ka dhaawacmay, kadib waxaa halkaasi ka kaxeeyay Ciidamada Dowladda.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku geeryoodeen ilaa 5 ka mid ah ilaalada C/raxmaan C/shakuur, kuwaasi oo ay toogteen Ciidamadii weerarka soo qaaday.
C/raxmaan C/shakuur, ayaa sababta loo weeraray waxaa loo maleynayaa, dhaliilo kul kulul oo muddooyinkanba uu Madaxda Dowladda u marinaayay Warbaahinta.