DHAGEYSO: Guddoomiye Cawil oo ka warbixiyay shuban biyoodka ka jira Buuhoodle

Buuhoodle-RisaalaFM- Guddoomiyaha Degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer C/fitaax Cali Cawil oo wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa ka warbixiyay xaalada degmada iyo Cudurka Shuban biyoodka ah ee ka dilaacay degmadaasi.

C/fitaax Cali Cawil ayaa sheegay in uu yaraaday dadkii uu soo ridan jiray Cudurka Shuban biyoodka islamarkaana Maamulka uu ku dadaalay sidii degmada looga ciribtiri lahaa.

Waxa uu tilmaamay in maamulka degmada Buuhoodle oo kaashanaya Hay’addaha Caafimaadka in ay ka shaqeynayaan sidii degmada dadka ku nool ay u heli lahaayeen daryeel Caafimaad oo buuxa.

Sidoo kale waxa uu xusay in ay rajeynayaan in guud ahaan degmada laga ciribtiro Cudurka Shuban biyoodka kaasi oo dhibaato ku haya dadka danyarta ah.

Guddoomiyaha Degmada Buuhoodle ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Maamulkooda si looga wada shaqeeyo hormarinta degmada Buuhoodle.