DHAGEYSO: Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo la diyaarinayo

DHAGEYSO: Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo la diyaarinayo

SHARE

Cadaado-RisaalaFM- Xareed Cali Xareed oo ah Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay diyaarinayaan Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug, kadib xil ka qaadistii ay ku sameeyeen Madaxweyne Guuleed.

Waxa uu sheegay Xareed in tillaabadii shalay ay Kalsoonida ugala laabteen Madaxweyne Guuleed ay tahay mid saxan sidaasi darteedna ay dooran doonaan Madaxweynihii bedeli lahaa C/kariin.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug ayaa mar wax laga weydiiyay in ay doonayaan inay isku biiriyaan Baarlamaanka Galmudug iyo midka maamulka Ahlu-sunna ayuu waxbo kama jiraan ku sheegay.

Xildhibaanno kulan ku yeeshay Cadaado ayaa sheegay in kalsoonida ay kala laabteen Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, xilli baarlamaanka maamulkaasi uu fasax ku jiro.