DHAGEYSO: Ganacsatada Soomaalida ah ee Koonfur oo ka cawanaya boob dukaamadooda loo geystay

Iyadoo ay sii kordhayaan boobka kala duwan ee lagu haayo ganacsatada Soomaalida ah ee goobaha ganacsiga ku leh dalka Koonfur Afrika.

Dad careysan oo Koonfur Afrikaan ah ayaa dhacay ilaa 5 Dukaan oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku yaallo gobolka Bamalaanka ee dalka Koonfur Afrika.

Yoonis Cali oo ka mid ah ganacsatada ku nool Koonfur Africa, ayaa sheegay in dukaamo badan oo ay leeyihiin la boobay, halka qaar kalena ay badbaadiyeen booliska iyo dadka Soomaalida ah.

Dalka Koonfur Afrika ayaa ah meesha ugu badan ee dhaca iyo dhibaatoyinka kale loogu geysto Saomaalida ganacsatada ah ee dalkaasi ku nool.