Home Wararka DHAGEYSO: Ganacsatada Galmudug oo loogu baaqay iney maalgashadaan  magaalooyinka Galmudug

DHAGEYSO: Ganacsatada Galmudug oo loogu baaqay iney maalgashadaan  magaalooyinka Galmudug

SHARE

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa ka dalbaday ganacsatada kasoo jeeda deegaanada maamulkaasi iney maalgashi ku sameeyaan magaalooyinka uu ka taliyo maamulkiisa.

Madaxweyne Guuleed, ayaa sheegay in maalgashi lagu sameeyo magaalooyinka Mudug iyo Galgaduud ay sahleyso horumar dhanka dhaqaalaha iyo fursado ay helaan shacabka ku nool deegaanada maamulka Galmudug.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in ganacsatada looga baahan yahay iney dhaqaalahooda kala bar geliyaan dhulka Galmudug si wax wanaagsan ay kaga soo baxaan.

“Waxaan usoo jeedinayaa ganacsatada Galmudug meel kasta oo ay joogaan, iney dalkooda iyo deegaankooda maalgashadaan, lama huraan waa cows-ka Jiilaal, qof kasta waxaan leeyahay dhaqaalahaada geli dhulkaada si dhaqaalana loo helo dadkana kaga faa’idaan”ayuu yiri Madaxweyne Guuleed.