Cadaado-RisaalaFM- Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Cadaado ayaa sheegay in aysan jirin xiriir ka dhaxeeya Shabaab iyo Maamulka Galmudug.
Wuxuu sheegay in ay been abuur yihiin wararka sheegaya in xiriir uu ka dhaxeeyo Maamulka Galmudug iyo Shabaab, taasina aysan macquul aheyn oo maranaba aysan dhici doonin.
Dhanka kale Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay Duqeyntii Diyaaradaha Mareykana ay ka fuliyeen Bariga Gobolka Mudug, isagoo weerarkaas ku tilmaamay mid ay ku qaldanaayeen Mareykanka.
Dhowaan ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan kuwa Sirdoonka Maamulka Puntland iyo Diyaarado ay wateen Ciidamo Mareykan ah ay Howlgal Duqeyn ah ka fuliyeen Duleedka Magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay xero Ciidan ku lahaayeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug.