Wasiirka amniga maamulka Galmudug Cusmaan Ciise Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in meel wanaagsan ay mareyso qorshaha maamulka Galmudug ay isbaarooyinka uga nadiifineyso deegaanadeeda.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale sheegay in dhowaan ay soo gaba gabeyn doonaan qorshaha isbaarooyinka ay uga qaadayaan wadooyinka Galmudug.
Waxaana uu tilmaamay in mardambe aan qof shacab ah aan dhac loogu geysan doonin goobaha uu ka taliyo maamulka Galmudug.
Deegaano ka mid ah Galmudug ayaa waxaa yaalla jidgooyooyin iyadoo Galmudug ay hada ku dadaaleyso sidii wadooyinkaas u nadiifin laheyd.