DHAGEYSO: Galmudug oo Guddi u xilsaartay dagaaladii Qeydara

Mudug-RisaalaFM- Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu Guddi u xilsaaray dagaaladii dhowaan ka dhacay deegaanka Qeydara oo ka tirsan gobolka Mudug.

Maxamed Xaashi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Guddigan ay soo baari doonaan cida bilowday dagaalka sidoo kalena ay baari doonaan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhshay dagaalka.

Waxa uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug in mardambe aysan soo laaban doonin dagaalo markale ka dhaca deegaanada uu ka taliyo maamulka Galmudug.

Dhowaan ayay aheyd markii dagaalo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac geystay ay ka dhaceen deegaanka Qeydara oo ka tirsan gobolka Mudug.