Home XULKA WARARKA DHAGEYSO: Galmudug oo dalbatay in ciidamada Militariga laga saaro Cadaado

DHAGEYSO: Galmudug oo dalbatay in ciidamada Militariga laga saaro Cadaado

SHARE

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxaa maanta barqadii halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamo kawada tirsan kuwa Militariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Guutada 21-aad ee duleedka magaalada Cadaado saldhiga ciidan ay halkaasi ku leeyihiin.

Dagaalka oo ka dhacay magaalada Cadaado ayaa ugu dambayn waxa uu sababay in ciidanka ay gudaha magaalada ay isla galaan, waxaana dagaalkaasi ka dhashay qasaaro dhaawac ah oo ciidanka soo kala gaaray inkastoo ilaa hada aan la xaqiijin in dagaalka uu sababay in dhimisho ay jirto.

Ugu yaraan saddex askari oo kawada tirsan ciidanka halkaasi ku dagaalamaya ayaa halkaasi ku dhaawacmay, kuwaasi oo dhaawacyadooda ay yihiin kuwo fudud sida saraakiisha ciidanka ay sheegeen.

Gudoomiyaha degmada Cadaado C/Raxmaan Tootoole oo saxaafadda gudaha magaalada kula hadlay ayaa saraakiisha ciidanka Militariga xerada 21-aad ka codsaday in ciidanka militariga laga saaro magaalada Cadaado.