Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo ugu maqnaa dalalka Ethiopia iyo Sucuudi Carabiya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay waxaana siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland .
Soo dhoweynta Madaxweynaha ayaa waxaa ka qayb-qayb guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha baarlamaanka Puntland Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam, Wasiirro, Xildhibaano, maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in maamulkiisa ay xoogga saarayso horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo maal-gashiyo caalami ah oo dalka lagu samaysto, waxaana ku tilmaamay safarkaasi guul usoo hoyatey dadka reer Puntand.