Ciidanka ammaanka maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxa ay ku xireen wadayaasha 12 Gaari oo lagu eedeeyay in ay barakicin ku hayeen shacabka kunool Magaalada Gaalkacyo.
Wadayaasha ayaa lagu eedeeyay in ay dadka shacabka u sheegeen in uu dagaal ka dhici rabo magaalada Gaalkacyo.
Gudoomiyaha magaalada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in la barakiciyo dadka shacabka ah ee kunool magaalada Gaalkacyo.
Kadib xiisad u dhaxeeysa Puntland iyo Galmudug oo saakay laga dareemay magaalada Gaalkacyo ayaa sababtay in dadka shacabka ah ay ka cabsadaan in dagaal uu ka dhaco magaalada Gaalkacyo.
Amniga magaalada ayaa isbedalay tan iyo markii Qaraxyo ay ku dhinteen ku dhawaad 30 qof ay ka dhaceen magaalada Gaalkacyo.