Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay dad dhawaan laga barakiciyay xeryo Barakacayaal oo ku yaalla duleedka Magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Taabid ayaa sheegay in dadkaasi dhulka laga barakiciyay uu ahaa Mid uu leeyahay Shaqsi siddaasi daraadeed ay maxkamadi Amartay in dadka la barakiciyo.
Waxaa uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay fulinaayeen Amarka Maxkamadda, islamarkaana dhulkaasi uu ahaa mid shaqsiyadeed.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Maamulka gobolka banaadir uu u gurmaday qoysaskaasi ayna u sameeyeen dib u dajin deg deg ah.
Waxa uu xusay in maamulka gobolka uu boosas u kireeyay sidoo kale ay gaarsiiyeen agabkii loogu dhisi lahaa guryahooda.
War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda QM ayaa lagu sheegay in maamulka gobolka banaadir uu barakicinayo qoysas danyar ah balse maamulka gobolka ayaa warkaasi beeniyay.