Waxaa xaalad cakirnaansho ah ay sii galaysaa magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo biyaha Wabiga ay si aad ah ugu fatahayaan gudaha magaalada Beledweyne.
Dadkii ku noolaa magaalada Baledweyne ayaa intooda badan isaga barakacay magaalada waxaana ay miciin bideen inay tagaan deegaanka Ceel Jaale ee duleedka magaalada Baledweyne.
Dad fara ku tiris ah oo ku haray Magaalada ayaa bilaabay inay boorsooyinkooda ka qaataan magaalada, kadib markii ay ka quusteen oo ay ka rajo dhigeen Xaalada magaalada, maadaama Wabiga uu weli sii wado fatahaada.
Wariyaheena Yuusuf Cabdi Aadan oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaan arimahaasi wax ka weydiinay.