DHAGEYSO: Faahfaahin Xildhibaanada Galmudug oo xilka ka qaaday Guuleed

DHAGEYSO: Faahfaahin Xildhibaanada Galmudug oo xilka ka qaaday Guuleed

SHARE

Cadaado-RisaalaFM- Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa xilka ka qaaday Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaanada Galmudug ayaa kulan ay ku yeesheen Cadaado waxay u codeeyeen in ay kalsoonida kala laabteen Madaxweynaha Galmudug.
54-Xildhibaan ayaa Ogolaatay, cid kama aamusin, cidna ma diidin.

Waxaa xusid mudan in madaxda Galmudug ay kulankaan baarlamaanka u arkaan mid sharci daro ah oo baarlamaanku uu ku jiro fasax.

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed oo la hadlay Warbaahinta kulanka ka dib ayaa sheegay in maanta ay kalsoonidii ay kala laabteen madaxweyne Guuleed.

Laakiin Madaxweynaha maamulka Galmudug oo la hadlay Warbaahinta ayaa ku tilmaamay kulanka baarlamaanka mid sharci daro ah.