Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya hoobiyeyaal xalay lagu weeraray degmooyinka ka mid ah gobolka Banaadir.
Degmooyinka Dayniinle iyo sidoo kale Howlwadaag ayaa xalay waxaa kusoo dhacay dhowr Hoobiye.
Guriga gudoomiyaha degmada Dayniile ayaa la sheegaya in ay ku dhaceen hoobiyeyaal badan kuwaa soo aan weli rasmi ah loo xaqiijin karin khasaaraha dhabtaa ee ka dhashay.
Gudoomiye Ku Xigeenka Arrimaha bulshada Degmada Howl Wadaag Cali Aadan oo la hadlay idacaadda Risaala ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay madaafiic xalay lagu gaaracay degmada Howlwadaag.
Waxa uu sheegay in ay ku dhaceen meelo banaan oo ku dhow meel ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah sidaas darteedna aysan jirin wax khasaaraha oo ka dhashay.
Dhankale xiriir aan la sameynay gudoomiyaha degmada Dayniile ayuu ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo hoobiyeyaasha xalay kusoo dhacay gurigiisa.
Madaafiicda ku dhacay degmada Dayniile ayaa la sheegaya in mid ka mid ah uu ku dhacay kuliyadda Jaale siyaad.
Xalay dadka reer Muqdisho waxay maqleen daryanka madaafiic da oo ku dhacaysay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.