Wararka naga soo gaaraya xarunta AMISOM ee xalane ayaa sheegaya in caawa halkaas lagu weeraray hoobiyaal gaaraya seddex hoobiye sida ay idaacadda Risaala u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.
Dadka deegaanka ayaa Risaala u sheegay in ay maqlayeen daryanka madaaficda ku dhacay xarunta AMISOM.
Waxay dadka deegaano sheegeen in ku dhawaad 3 hoobiye lagu tuuray xarunta AMISOM aan la ogaan karin Khasaaraha dhabtaa ee ka dhashay.
Maamulka degmada Wadajir iyo sidoo kale Ciidanka AMISOM oo aan xiriir la sameynay ayaa ka gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiyaan hoobiyaasha lagu soo tuuray degmada Wadajir.
Qof Goobjooge ah ayaa sharaxaaya sida ay wax u dhaceen.