DHAGEYSO: Faah faahin Rasaas lagu furay Gaari ay saarnaaayeen dad shacab ah

Sh/Dhexe-RisaalaFM- Saddex ruux ayaa ku dhaawacantay Rasaas ciidamada Dowladda ay ku fureen Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayay Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Maxamed Cali Yuusuf oo ah Xoghayaha Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda ay Rasaas ku fureen Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayay Degmada Warsheekh.

Wuxuu sheegay in halkaasi ay ku dhaawacmeen 3 ruux oo ka mid ahaa dadkii saarnaa Gaarigaasi, isagoo intaa ku daray in dadkii dhaawacmay loo soo qaaday isbitaalka Kaysaney.

Xoghayaha Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cali Yuusuf ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadaasi ay ka hayaan cadeymo sidoo kalena lagu raad joogo oo sharciga la keeni doono.