Home Wararka DHAGEYSO: Faah faahin: Nabadoon xalay lagu dilay Sh/hoose

DHAGEYSO: Faah faahin: Nabadoon xalay lagu dilay Sh/hoose

SHARE

Wanlaweyn-RisaalaFM- Degmada Wanlaweyn oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha xalay waxaa lagu dilay Nabadoon caan ka ahaa degmadaasi, kaasi oo lagu magacaabi jiray Macalin Maxamed Cabdi (Macalin Jeelle).

Koox hubeysan ayaa Nabadoonka gurigiisa ku dhex dishay, xilli saq dhexe ah, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka, gaar ahaan dad deris lahaa Marxuumka la dilay.

Nabadoon Maxamed Cumar oo ay ehel yihiin marxuumka dhintay ayaa Risaala u sheegay inuu banaanka u soo baxay marka uu rasaasta maqlay balse Ciidan dares wata oo hubeysan ay ku amreen inuu gurigiisa ku laabto hadii kale dhibaato loo geysan doono.

Dadka dilka geystay ayuu sheegay iney tuhmayaan iney yihiin Ciidanka Bangraft Saakana ay Balidoogle uqaadeen Meydka Marxuumka si baaris dheeraad ah loogu soo sameeyo.

Taliyaha Ciidanka ee Balidoogle ayaa u sheegay ehelada Marxuumka in iyaga dilka aysan geysan, isaga oo sidoo kale tilmaamay ineysan jirin Ciidan xalay Xeradooda ka baxay.