DHAGEYSO: Faah faahin laga helayo Masjidkii ku soo dumay deegaanka Garasbaaley

Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa Masjidkii maanta ku soo dumay deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Masjidka soo dumay ayaa la sheegay in uu dhismo ku socday oo xilligaasi ay shaqaale ka shaqeyanyeen dhismihiisa.

Wararka ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 29 qof iyadoo aysan jirin wax dhimasho oo halkaasi ka dhashay.

Gudoomiyaha deegaanka Garasbaaley C/raxmaan Axmed Ali oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa beeniyay wararka sheegaya in halkaasi ay ku dhaawacmeen 29 qof, iyadoo uu sheegay in 6 qof oo kaliya ay ku dhaawacmeen dhimashana aysan jirin.

Dhanka kale gudoomiyaha ayaa tilmaamay in dadkii ku dhaawacmay Masjidka soo dumay la soo gaarsiiyay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Waxaan uu sheegay in halkaasi ay gaareen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir si ay gar gaar ugu fidiyaan dadka halkaasi ku waxyeeloobay.

Ugu dambeyntiina gudoomiyaha ayaa sheegay in xaalada guud ee goobtii ay wax ka dhaceen hada ay tahay mid degan.