DHAGEYSO: Faah faahin laga helayo gaarigii ay ciidamada dowladda ku qabteen Hodan

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxa ay degmada Hodan ku qabteen Gaari laga soo buuxiyay Hub iyo Walxaha Qarxa.

Gaariga Nuuciisu ayaa lagu sheegay in uu ahaa Nuuca Raaxada, waxaana Gaariga la socday 2 nin oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada dowladda.

Gaariga ayaa waxaa la dhigay agagaarka Maqaayad ku taalla xaafada Banaadir ee degmada Hodan.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya C/kaamil Macalin Shukri oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Gaariga iyo raggii watay.

Waxaana uu sheegay in horey ay u ogaayeen xogta Gaariga iyo ragga ay qabteen, iyadoo uu sheegay in ay wadaan baaritaano dheeraad ah.

Magaalada Muqdisho dhowaanahan waxaa ka dhacayay qaraxyo kuwaas oo lala beegsanayay Mas’uuliyiinta dowladda iyo dad shacab ah.