Xoghaya nabad galiyada degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay Cusmaan Kaarbiin ayaa ka warbixiyay dagaalkii shalay ka dhacay deegaan hoosyimaada degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay.
Dagaalkaasi oo u dhaxeeyay ururka Al-shabaab iyo ciidamada Koonfur Galbeed oo kaashanaya kuwa AMISOM.
Waxaana dagaalka labada dhinac udhaxeeyay uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Deegaanka Buur-eyla in muddo ah waxaa xukumaayay ururka Al-shabaab.
Maalinimadii shalay aheyda waxaa halkaasi la wareegay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya kuwa ururka Al-shabaab.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay maalmihii u dambeeyay ay wadeen dadaalo lagu sugayo amniga guud ee deegaanadiisa.