DHAGEYSO:- Faah faahin: Howlgal xalay ka dhacay Duleedka Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa xasilinta ayaa xalay Howlgal gaar ah waxa ay ka sameeyeen wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan xaafadaha degaanada halkaasi ku yaalla.

Ciidamada oo Howlgalkooda uu qaatay saacado badan ayaa waxa ay si gaar ah uga wadeen agagaarka Tabeelaha Sheekh Ibraahim, halkaasi oo habeen ka hor lagu dilay Cabdi Nuunow Aadan oo ahaa nin ka tirsanaa Ergadii magaalada Baydhabo ku soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Dadka degaanka, ayaa markeliya ku soo baraarugay ciidan fara badan oo lagu soo daadiyay xaafadda Tabeelaha Sheekh ibraahim, Sarkuusta ilaa degaanka Garasbaaley, iyadoo ayna xireen wadooyinka soo gala.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa si hoose Risaala ugu sheegay in Ciidamada ay gudaha u galeen guryo bartilmaameyd ahaa, waxaana lagu soo qab qabtay dhalinayaro fara badan.

Ma cadda waxa ay yihiin iyo weliba cidda ay ka tirsan yihiin ragga hawlgalkaasi lagu soo qab qabtay, balse waxaa Ciidamada ay dhalinyarada ula dhaqaaqeen xarumaha dambi baarista ee ku yaalla Muqdisho.

Dhanka kale Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil C/laahi  oo la hadlay Risaala ayaa sheegay intii Ciidamada ay howlgalka wadeen in gacanta ay ku soo dhigeen Gaari SPACIO ah, kaasi oo laga qaatay Cabdi Nuunow Aadan, kadib dilkii loo geystay.