Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle qaarkood ayaa waxa ay ku eedeeyeen Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle in tan iyo markii uu xilka qabtay uusan qaban waxshaqo ah.
Xildhibaan C/wali Maxamed Caddow oo la hadlay Risaala waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uu bilaabay isku shaandheyn uu ku sameynaayo golaha Wasiirada maamullka Hirshabeelle.
Sidoo kale xildhibaankaasi waxaa uu tilmaamay in Madaxweyne cosoble uu doonaayo in uu xildhibaanada ka dhigo Wasiiro si ay u difaacaan.
Waxaa uu sheegay in uu bilaabay in uu kordhiyo xilalka uu siinaayo xildhibaanada ay saaxiibada yihiin.
C/wali Maxamed Caddow ayaa ugu dambeyntii sheegay in ay tahay wax laga xumaado in maamulka Hirshabeelle oo sanad ku dhow aysan waxba qaban , shacabka ay heysato dhibaato weyn.