Home XULKA WARARKA DHAGEYSO: Dowladda “Waan u diyaar garownay martigelinta Shirka IGAD”

DHAGEYSO: Dowladda “Waan u diyaar garownay martigelinta Shirka IGAD”

SHARE

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in Dowladda Federalka Soomaaliya ay u diyaargarowday Marti gelinta Shirka Madaxda Urur Goboledka IGAD oo sanadkaan lagu qabanaayo Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weydiistay Urur Goboledka IGAD in Muqdisho lagu qabto Shirka Madaxda Ururkaasi, taasi oo keentay inay aqbalaan Ururka IGAD.

Wasiir Hadliye ayaa sheegay Martigelinta Shirka IGAD ee Muqdisho inay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay tahay meel nabad ah oo la isku haleyn karo, wuxuuna sheegay in taasi fariin ay u tahay Beesha caalamka.

Bishan soo socota horaanteeda ayuu qorshaha yahay in Madaxda Urur Goboledka IGAD shirkoodii caadiga ah sanadkaan ay ku qabsadaan Magaalada Muqdisho, hadii uusan qorshahaasi isbedel ku imaanin.

Ammaanka Magaalada Muqdisho oo ah mid wanaagsan, ayaa xilliyada shirarka qaaska ah ay ka dhacayaan Al Shabaab waxa ay isku dayaan inay carqaladeeyaan ammaanka goobaha shirka uu ka dhacaayo.