Iyadoo bilihii lasoo dhaafay ay kordheen weerarada Al-Shabaab ay ka geysanayaan gudaha dalka Soomaaliya ayaa hada Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegaysa in ay diyaar u tahay in ay ka hortagto weerarada ay geystaan Al-Shabaab.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Mareeye oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay u diyaarsan yihiin in ay ka hortagaan weerarada ay soo maleegayaan Al-Shabaab.
Wasiir Mareeye ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka sirdoonka Soomaaliya ay soo gudbinayaan xogaha ku saabsan Al-Shabaab taasina ay sahlikaro in laga hortago.
Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay labada jibaaray Qaraxyada iyo sidoo kale weerarada ay ka geysanayaan gudaha dalka Soomaaliya , waxaana ugu dambeeyay weerarkii ay shalay ku qaaday saldhiga ciidanka dowladda Jabuuti ee Magaalada Baledweyne.