DHAGEYSO: Dowladda oo adkeynaysa Qorshaha Xasilinta Muqdisho

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya C/naasir Saciid Muuse ayaa sheegay in Dowladda ay xooga saareyso hirgelinta qorshaha Xasilinta Caasimada.

Waxa uu sheegay in ahmiyada Koowaad ee Dowladda ay tahay Xaqiijinta amaanka guud ee Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xooga la saarayo sidii dadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen Xasilooni Siyaasadeed iyo Mid Amni.

Waxa uu shacabka ka dalbaday iney la shaqeeyaan Hay’addaha amaanka iyo Ciidanka loo xil saaray Xasilinta Magaalada Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada amniga C/naasir Saciid Muuse ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda ay ka shaqeyn doonto sugidda amaanka Dalka iyo Kalsoonida Shacabka iyo Ciidamada amaanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday qorshaha Xasilinta Caasimada, Waxaana shalay Xaruntooda ay ku soo bandhigeen waxyaabaha qarxa oo ay ka soo qabteen meelo ka mid ah Magaalada Muqdisho.