Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku wada kulmay wasiiru dowlaha wasaarada Warfaafinta Soomaaliya iyo Wasiirka Dalxiiska Dowlada Kenya.
Labada masuul ayaa waxay ka wada hadleen arrimo la xiriiro dalxiiska iyo duur joogta iyo sidoo kale xiriirka labada Dowladood, sida masuuliyiinta dowlada Soomaaliya ay sheegeen.
Wasiiru dowlaha wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan, oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ku dadalaayaan hormarinta dalxiiska.
Waxa uu tilmaamay in Dowlada Kenya ay u balan qaaday dowlada Soomaaliya iney sii xoojiso taageerida iyo hormarinta Dalxiiska, si horumar wanaagsan loo gaaro.
Kulanka labada masuul ay wada qaateen ayaa waxaa goob joog ka ahaa Masuuliyiin ka kala socday safaaradaha Soomaaliya iyo Kenya.