Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay in la cadeynayo maqaamka uu yeelanayo gobolka Banaadir, maadaama gobolada kale ee dalka loo sameeyay maamul goboleedyo dowlada Soomaaliya hoos imaanaya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh, wuxuu sheegay in dastuurka dalka lagu cadeeyay maqaamka uu yeelanayo gobolka Banaadir, ayna waajib tahay in la dhaqan geliyo maqaamka uu yeelayo gobolka Banaadir.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in gobolka Banaadir uu ka dad badan yahay maamul goboleedyo dhowr ah oo ka jira dalka Soomaaliya.
Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa waddo dadaal nidaamka federaalka lagu gaarsiinayo gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya.