DHAGEYSO: Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in ay diyaarisay qorshe qaran

Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo ah Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta ee Dowlada Federaalka Soomaaliya kana mid ah guddiga ay Dowlada u xil saartay iney wax u qabtaan shacabka ku nool gobolka Hiiraan oo saameyn uu ku yeeshay fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeelle ayaa sheegay in Dowlada ay diyaarisay qorshe qaran oo dadka soomaaliyeed ay wax isugu qabanayaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in shacabka loogu baahan yahay in ay isku tashadaan oo ay istaageeraan markii ay timaado xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Waxa uu xusay in Dowlada ay qorshaha ay diyaarisay ay rajeynayaan in u dhaqan galo isla markaana ay sidii loogu tala galay ay ugu dhaqmaan shacabka Soomaaliyeed.