Dowlada Soomaaliya ayaa ka hadashay biyo xireen dowlada Ethiopia la sheegay iney ku sameysan wabiga Shabele oo mara deegaano badan oo ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya.
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya aysan wali helin xaqiiq ku aadan in dowlada Ethiopia xiratay biyaha wabiga Shabeele.
Wasiir Maareeye, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay wadahadal la galayso dowlada Ethiopia oo ku aadan biyaha wabiga Shabeele, isaga oo sheegay iney jiraan sharciyo caalami ah oo ku aadan biyaha wadamada Caalamka isaga kala gudba.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dowlada Ethiopia dhankeeda ay ka jiraan abaaro daran oo sameeyay kumanaan dadweyne ah.