Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Federaaka Soomaaliya ayaa sheegtay inaan la aqbali karin in si aan wanaagsaneyn loo maamulo dhaqaalaha ka soo xarooda Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxman Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa sheegay muddo labo cisho ah canshuurta laga qaaday Jaadka soo gaara Muqdisho uu dhammaa in ka badan $130,000 taas oo u dhiganta koror ka badan $34,000 oo u dhiganta $550.000 bishii inaan la ogeyn meeshii ay aadi jirtey.
Sidoo kale waxa uu sheegay 30% canshuurtii saxda aheyd in la lunsaday oo aan la ogeyn meel ay ku baxday, wuxuuna sheegay Lacagtaas in aan sida sharciga ah loo xareyn.
Wasiir Eng. Yarisow ayaa sheegay in ay jiri doonto baaris iyo isla xisaabtan dhab ah si loo joojiyo musuq maasuqa baahsan ee jira.
Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Maaliyada iyo Wasiir-ku-xigeenka ayaa shalay booqday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho si ay u dhiirigeliyaan shaqaalaha oo muddo labo cisho ah oo Maamulka cusub ee Furdada garoonka diyaaradaha Muqdisho oo labo cisho canshuurta jaadka ku kordhiyey $34,000 Dollar.