DHAGEYSO: DF oo ka hadashay qaadista Imtixaanka mideysan

DHAGEYSO: DF oo ka hadashay qaadista Imtixaanka mideysan

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay maalinta Sabtida dalka in uu ka bilaabanayo qaadista Imtixaanka Mideysan ee Dugsiga Sare.

Imtixaankan oo ay u fariisanayaan 23,000 oo Arday ah, kuwaasi oo ku kala geli doona 77 xarumood ee Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koofur-Galbeed, Jubbaland iyo caasimada Muqdisho ee Gobolka Benadir.

Waxaa si toos ah uga qeyb qaadanaya howlaha imtixaanka 77 kormeerayaal, 77 kaaliyeyaal, 1368 ilaaliyayaal, 962 amni sugayaal iyo saraakiil amni iyo shaqaale ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay Dowladda in ay aad ugu diyaar garowday qaadista Imtixaanka, shacabkana laga doonayo in ay Dowladda garab istaagaan.