DHAGEYSO: Degmada Baardheere oo lagu qabtay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegay   in  ay qabteen madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada degmada Baardheere.

Taliyaha Amniga degmada Baardheere Col. Xuseen Cumar Xasan oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Madaxii Al-Shabaab u qabilsanaa sameynta Qaraxyada degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ninkaan ay qabteen ciidanka ammaanka degmada Baardheere ayaa la sheegay in uu Qarax ka geystay degmada Baardheere ka dibna howlgal ay sameeyeen ay kusoo qabteen ciidanka ammaanka degmada Baardheere.

Col. Xuseen Cumar Xasan ayaa sheegay in ninkaasi ay sharciga marsiiyeen ciidanka ammaanka degmada Baardheere ee Gedo , hada ay ku daba joogaan rag kale oo lagu tuhmaayo in ay ka tirsan Al-Shabaab.