Wararka naga soo gaaraya degaanka Garasweyne oo 25 u jira Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidanka dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen degaankaasi oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Taliyaha hogaaminaya ciidanka dowladda Jeneral Xasan Baydhabo oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa sheegay in dagaalku uu yahay mid xoogan ,islamarkaana ciidanka dowladda Soomaaliya ay weerarka qaadeen.
Taliyaha ayaa sheegay inaan la ogaankarin khasaaraha ka dhashay dagaalka madaam uu wali socdo.