Dagaal u dhaxeeyay Xarakada Al-shabaab iyo dad xoolo dhaqato ah ayaa waxaa uu ka dhacay deegaano u dhaxeeya Camaara iyo Ceelhuur oo dhanka xeebta kaga beegan gobolka Mudug.
Maxamed Xasan Cali oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala kana mid ahaa dadka xoola dhaqatada ah ayaa waxaa uu sheegay in ururka Al-shabaab ay dagaalka kaga dileen ilaa iyo 7 qof halka dhankoodana uu ku sheegay in ay ka dhaawacmeen tiro 4 qof ah.