Muudug-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya degaan ka tirsan gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay dad shacab ah, sida uu soo sheegayo Wariyaha warbaahinta Risaala uga soo warama gobolkaasi.
Dadkan oo tiradooda lagu sheegay 5 Qof, kuwaasi oo isgu jira 4 caruur ah iyo Hooyadood ayaa dilkooda waxaa ka dambeeyay maleeshiyaad ka soo jeeda degaanada maamulka Puntland.
Guddoomiyaha gobolka Mudug C/rashiid Xaashi Cartan ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dilka lo geystay dadkaasi, ayna adaan baaritaano lagu soo qab qabanayo kooxdii ka dambeysay dilka.
Wakiil wareedka warbaahinta Risaala ee magaalada Gaalkacyo Maxamed Muxudiin (Saxansaxo) ayaa qadka telefoonka waxa uu ugu waramay Feysal C/laahi Maxamuud.