Soomaaliland-RisaalaFM- Wasiirka Arimaha Gudaha ee Maamulka Soomaaliland Yaasiin Xaaji Maxamed ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan howlaha Doorashooyinka ee Deegaanada Soomaaliland ka dhacaya.
Waxa uu sheegay in Guddiyada loo xilsaaray Doorashooyinka ay wadaan howlihii ugu dambeeyay ee Doorashooyinka isla markaana ay shacabka Deegaanada Soomaaliland ka qeyb yihiin howlahaasi socda ee Doorashooyinka.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliland lagu amaano sida ay diyaar ugu yihiin ka qeyb galka Doorashooyinka Soomaaliland ka dhacaya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Soomaaliland Yaasiin Xaaji Maxamed aya hadalkan ka sheegay ka dib markii uu Kormeeray Deegaanada ay ka socoto diiwaan gelinta cod bixinta Doorashooyinka Soomaaliland.