DHAGEYSO: Dab qabsaday Dekedda Berbera

DHAGEYSO: Dab qabsaday Dekedda Berbera

SHARE

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xalay ka kacay qeyb ka mid ah Dekedda Magaalada Berbera ee Somaliland.

Dabka ayaa ka kacay Qeybta Konteenarada Dekedda , waxaana la sheegay in qeybtaasi ay soo gaartay waxyeelo badan.

Maareeyaha Dekedda Berbera Axmed Yuusuf Diri ayaa waxaa uu sheegay in dabkaasi uu bilowday Xilligii Afurka , islamarkaana ay ku guuleysteen in ay damiyaan Sagaalkii habeeno ee xalay.

Maareeyaha ayaa waxaa uu sheegay in ay jirto Khasaare Hantiyadeed oo soo gaaray Hantidii taallay qeybta Konteenarada ee Dekedda Berbera.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay ay jiraan Shaqaale ay kasoo gaartay waxyeelo fudud.