DHAGEYSO: Cumar C.rashiid oo ka hadlay xayiraadii loogu geystay Kenya

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C.rashiid Cali, ayaa ka hadlay hakadkii muddada kooban la geliyay safarkiisa,  markii uu tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga oo kusii jeeday dalka Turkiga oo uu haatan ku sugan yahay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in xayiraada muddada ku dhow 4 saac loogu geystay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay tahay mid khalad ah oo dowlada Kenya ay sameysay.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha ayaa beeniyay hadal kasoo baxay dowlada Kenya oo lagu sheegay in wafdiga ra’iisul wasaaraha aysan ka dagin degmada Wajeer si amaankooda loo ogaado.

Wuxuu sheegay in wafdiga ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha aysanba ka dagin garoonka degmada Wajeer, si loo baaro oo si toos ah marwalbaa kaga dagaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi.

“Markaan aragnay ay carqaladeynayaan xildhibaanada ayaan harnay,sababtoo ah markii hore masuul ayaan aheyn, xildhibaanada waxii la gaarsiiyo wax annaga nala gaarsiiyay waaye, marka waa arin qalad ah oo aan aaminsanahay in dowlada Kenya ku qaldantay”ayuu yiri ra’iisul wasaaraha dalka.