DHAGEYSO: Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqay Dibadbax ka dhan ah Maamulka Yahuuda

Muqdisho-RisaalaFM- Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyaga oo ka hadlay arrimo fara badan.

Culimada Soomaaliyeed ayaa waxyaabihi ay ka hadleen waxaa ka mid ah xad gudubyada maamulka Yahuuda uu ku hayo Masjidka Al-aqsa oo ah Masjid Taariikhi ah.

Sidoo kale Culimada waxa ay sheegeen Dowladaha Islaamka, Ururada Soomaaliyeed iyo dhammaan shacabka Muslimiinta in looga baahan yahay in arrintan ay ka qaataan go’aan mideysan.

Waxay sheegeen Culimada in ay aad uga xun yihiin falkan, ayna qiireysan yihiin, waxayna Aduunyada ka codsadeen in laga hortago fidnada ay waado Yahuuda, la iskuna soo baxo.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay cadaawada Yahuuda in ay tahay cadaawad soo jireen ah oo maharta ah, soconaysana ilaa Qiyaamu saacah.

Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sidoo kale sheegay Culimada in ay si aad ah u cambaareynayaan falkan foosha xun, wuxuuna sheegay in ay u arkaan xad gudub ka dhan ah xuquuqul insaanka.