Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in cudurka Sanbabka uu xoolo badan ku dilay degmada Baardheere.
Gudoomiye arimaha Bulshada ee degmada Baardheere oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in cudurka sanbabka uu xoolo badan oo isku jira Lo’ iyo Ido uu ku dilay deegaano hoos yimaada Baardheere.
Gudoomiyaha Arimaha Bulshada Baardheere Xuseen Cabdi Xalane ayaa sheegay in ay tageen maamulka Baardheere goobihii uu cudurka Sanbabku xoolaha uu ku laayay, islamarkaana ay soo arkeen xoolo badan oo uu cudurkaasi dilay.
Waxa uu sheegay in maamulka degmada Baardheere oo kaashanaya dowlad goboleedka Jubbaland ay gar gaar gaarsiin doonaan dadkii ku xoolo waayay cudurkaasi.
Dhawaan dad xoolo dhaqato ah ayaa saxaafadda u sheegay in xoolo badan oo isugu jira Ari cad iyo Ido ay u dhinteen cudurka Sanbabka oo ka dilaacay deegaano hoos yimaada degmada Baardheere.