Home Wararka DHAGEYSO: Cosoble “Waa waajib maqaamka G/Banaadir”

DHAGEYSO: Cosoble “Waa waajib maqaamka G/Banaadir”

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa waxa uu ka hadlay maqaamka Maamulka Gobolka Banaadir, oo maalmahan arrintiisu ay taagan tahay.

Waxa uu sheegay waajib in ay tahay helitaanka maqaamka uu leeyahay Gobolka Banaadir, taasina looga baahan yahay in cadeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Waxa uu sheegay in la kala qaadayo Gobolka Banaadir iyo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, Gobolka Banaadirna dad gaar ah ay ka soo jeedaan.

Cali C/laahi Cosoble Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay Gobolka Banaadir in ay ku nool yihiin Saddex Milyan iyo dad ka badan.

Dhanka kale Madaxweyne Cosoble ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaadatay nidaam wanaagsan, kaasi oo ah mid wanaagsan, ahna mid dhexdhexaad ah.