Howlgal Dad badan lagu Soo qabtay ayaa Ciidamada Amaanka ay ka Sameeyeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Inta uu socday howlgalka ayaa ciidanka dowladda Soomaaliya waxaa ay kusoo qabteen dhalinyaro aad u farabadan kuwasoo lagu eedeeyey in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab,ciidanka nabad sugida ayaa shaaciyey in qabteen 6 qof oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Nabad Suggida Baydhabo, Maxamed Isaaq Ibraahim ayaa waxaa uu sheegay inay aad u tuhmayaan raggaasi, si loo kala cadeeyo waxa ay yihiina, ay ku samaynayaan baaritaano dheeri ah.
Howlgalka ayaa badankiis waxaa ku dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.